Somali News

Hoggaamiyiha mucaaradka Ruushka oo dhawaan lasumeeyay oo loo qaaday wadanka Jarmalka.

Hogaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny ayaa loo qaaday wadanka Jarmalka si halkaasi loogu soo daweeyo kadib markii lasheegay in dhawaantan lasumeeyay.

Taageerayaashiisa ayaa sheegay in hogaamiyahooda uu galay koomo kadib markii sun loogu daray shaax uu cabayay. Iyagoona arintaasi ku eedeeyay masuuliyiinta dowladda.

Jimcihii dhaqaatiirta ku sugan caasimada wadanka Serbia oo lataacalayay xaalada hogaamyaha ayaa sheegay in ay xaaladiisu liidato sidaas darteedna loo qaado wadanka Jarmalka.

Xaaskiisa oo ku wehlisa safarka Jarmalka ayaana warbaahinta u sheegtay in xaalka hogaamiyaha mucaaradka uu sidii hore kasoo reenayo.