Somali News Uncategorized

Hoggamiyaha xisbiga Wadani oo laga helay Coronavirus

Hargeysa-KNN-Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa lagu waramayaa in laga helay Caabuqa Coronavirus kaddib tijaabo caafimaad oo lagu sameeyay.

Guddoomiye Cirro ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyay in uu gali doono muddo dhowr cisho ah xaalad Karantiil ah ( Isgooni-yeel) sida ay kula taliyeen dhaqaatiirta caafimaadka.

Cudurkan oo ah mid dhibaato ba’an ku haya guud ahaan marka la eego caalamka ayaa waxaa horay ugu geeriyooday mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xassan Xusseen (Nuur Cadde) Wasiir hore oo ka tirsanaa Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Khaliif Muumin Tooxoow iyo waliba Prof Cali Khaliif Galeyr oo dhawaan ku geeriyooday magaalada JIgjiga.