Somali News

Hong Kong oo sheegtay in uu dhintay sharcigii muranka badan dhaliyay.

Hogaamiyaha ismaamulka Hong Kong Carrie Lam ayaa sheegtay in Hindise sharciyeedkii u ogolaanayay in dhul waynaha Shiinaha ay u wareejiyaan dadka halkaasi dambiyada kagala in uu noqday mid dhintay.

Shir jaraa’id oo ay Talaadada maanta ah qabatay Ms Lam ayay kasheegtay in dowladeedu ay gabi ahaanba ku fashilantay meel marinta sharcigaasi.

Balse Carrie ayaa ka gaabsatay in ay cadeeso in gabi ahaanba laga baxay sharcigaasi xilli ay sii kordhayaan dibadbaxyada lagu dalbanayo in gabi ahaanba la’laalo sharcigaasi.

 “Waxaa wali jira shaki badan oo laga qabo in markale golaha sharci dajiyaashu ay bilaabi doonaan hanaanka loo meel marinayo sharcigan” ayay Ms Lam u sheegtay warfidiyeenada.

“Sidaas darteed waxaan halkan u joogaa in aan markale ku celiyo in uu san jirin qorshe lagu meel marin karo. Sharcigani wuu dhintay” ayay hadalkeeda kusii dartay hogaamiyaha Hong Kong Carrie Lam.

Kowdii bishan July dibad baxyaal careesan ayaa xoog ku galay dhismaha xarunta Baarlamaanka kadib saacado ay dibadbaxyo caro wato ay ka dhigayeen halkaasi.

Dibad baxyaasha ayaa sidoo kale dalbanaya in ay is casisho hogaamiyaha Hong Kong.