Somali News

Hoobiyaal lagu weeraray Madaxtooyada dalka.

Muqdisho-KNN-Ilaa Seddax hoobiye ayaa ku dhacday gudaha iyo afaafka hore ee madaxtooyada Soomaliya.

Waxaana la sheegay in ay ku kala dhaceen safaaradda Itoobiya, Kaambada iyo inta u dhaxeysa saldhigga Caga dhiig iyo xarunta degmada Warta-Nabadda.

 Wali lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas loo adeegsaday hoobiyaasha, sidoo kale wali ka ma-hadlin hey’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Al-Shabaab ayaa dusha u ritay mas’uuliyadda hoobiyaal sidaan oo kale horay loogu soo weeraray madaxtooyada dalka, walina ma-jiraan wax war ah oo ku aadan weerarkaan oo kasoo baxay hey’adaha amaanka dowladda iyo Al-Shabaab.