Somali News

Hoos u dhac ku yimid Suuqyada Shiinaha kadib hanjaabadii madaxwayne Trump

Muqdisho-KNN-Suuqyada dalka Shiinaha ayaa laga dareemay hoos u dhac maanta oo Isniin ah kadib markii madaxwaynaha dalka Mareykanka uu ku hanjabay in uu sii kordhin doono canshuuraha uu saaray badeecada Shiinaha.

Trump ayaa bartiisa Twitter’ka kusoo qoray in dowlada Mareykanka ay sii kordhin doonto canshuurahii ay horay usaareen badeecadaha Shiinaha ee loo iib geeyo dalka Mareykanka.

Ergo kasocoto shiinaha ayaa lagu waday in isbuucan ay u safraan Washington si loo dardargaliyo wadahadalada lagu xalinayo muranka ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal. 

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku waramayso in Shiinaha dhankiisa uu joojiyay wadahadaladaasi.

Mareykanka ayaa horay ugu kordhiyay badeecadaha Shiinaha canshuur gaaraysa $250 bilyan halka Shiinaha dhankiisa uu ku kordhiyay canshuur gaaraysa $110 bilyan.