Uncategorized

Hooyadii Fanka Soomaaliyeed oo Hargeysa ku geeriyootay.

Hargeysa-KNN-Shamis Abokor Ismaaciil “Gaduudo Carwo” oo ahayd hooyadii fanka Soomaaliga ayaa Hargeysa ku geeriyootay xilli hore oo saaka ah.
Gaduudo Cawro ayaa 21sano ee u dambeeyay u jiiftay xanuun kasoo dhinac qalalay, fanaanadu waxaa ay ku nooleyd 19 sano ee u dambeeyay magaalada Hargeysa oo ay bukaan jiif ku ahayd, Gudoodo Cawro waxaa ay ka mid ahayd Dumarkii soomaaliyeed ee fanka ugu horeeyay ee ka heesa goob fagaare ah, waxaa ay ka tirsanayd kooxdii caanka ahayd ee Waaberi.

Sanadkii 1952 ayay kusoo biirtay bahda fanka Soomaaliga, dadka taariikhda fanka ka warama waxay sheegaan inay ahayd gabadhii u horeysa ee Soomaalida goob fagaare ah ka heesta islamarkaana idaacada laga dhageysto.

Gaduudo Carwo waxaa ay dad badan oo Soomaali ah ku xusuustaan heesihii ay qaadi jirtay iyo kaalintii ay ku laheyd in fanka Soomaalidu dhinaca dumarka ka dhismo.

Shamis Abokor Ismaaciil “Gaduudo Carwo” waxaa ay dhimatay iyadoo 82 jir ah iyadoo maanta aas qaranka loogu sameynayo magaalada Hargeysa.