Somali News

Hooyo ilmaheeda ku gubtay deegaan hoos taga magaalada Burco

Burco-KNN-Wararka naga soo gaaraya deegaan lagu magacaabo Naqdhabiijo oo ka tirsan gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa ku waramaya in caawa Hooyo ka mid aheyd dadka deegaankaas ay guriga ku gubtay afar caruur ah oo ay dhashay.

Dadka ku nool deegaanka uu falkaasi ka dhacay ee Naqdhabiijo ayaa KNN u sheegay in laba kamid ah afartaas caruurta ah oo walaalo ahaa ay geeriyoodeen, halka labada kalena dhaawacooda loola cararay isbitaallada magaalada Burco.

Ma cadda weli sababta haweeneydaas ku kaliftay falkaas, balse waxaa ku socda baaritaano, sida ay dadka deegaanku noo sheegeen, waxaana haatan hooyadii geysatay falkaas haatan gacanta ku haya ciidamada booliska Somaliland.

Sidoo kale waxay sheegeen in hooyadaas mar qura ay dab qabad siiday gurigeeda oo caruurtii ay ku jiraan, markii lagu soo baxana dabkii laga badbaadiyey laba ilmo oo dhaawac ah, halka labadii kale ay ku geeriyoodeen.