Uncategorized

Hooyo Soomaaliyeed oo Labo wiil ay dhashay looga dilay K/Africa.

Johannesburg-KNN-Dhibaatooyinka ka jira Dalka Koonfur Africa ee loo geysanayo dadka Soomaalida ee ku nool dalkaasi ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya waxaana inta badan ay ka dhacayaan Gobalada Baadiyaha ah ee Dalkaasi.

Falkii ugu dambeeyay ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada xarunta u ah dalkaasi Johannesburg waxana lagu dilay Labo wiil oo walaalo ah, dilkaasi ayaa waxaa fuliyay koox burcad koonfur africaan ah.

Alle ha u naxariistee wiilasha ayaa lagu magacaabaa Cumar Salaad Xaashi iyo walaalkiis ka yar Liibaan Salaad Xaashi,kuwaasi oo lagu toogtay dukaan ay ku lahaayeen magaalada Johannesburg  ee dalka Koonfur Afrika sida ay sheegeen eheladooda.

Dhibka ka jira Koonfur Africa ayaa sidoo kale soomaalida waxaa la qaba dad kale oo african ah inkastoo ay ku badan tahay dadka Soomaalida sida ay sheegayaan Shacabka ku nool dalkaasi.