Somali News

Hooyo seygeedii lagu dilay Baydhabo oo 13 maalmood ku xirneed xabsi ku yaalla magaaladaas

Baydhabo-KNN-Luul Isaaq Aadan oo ah Hooyo heysata caruur agoon ah oo aabahood lagu dilay magaalada Baydhabo ayaa 13 maalin kadib dilkii seygeeda sacadihii lasoo dhaafay dib u heshay xoriyadeeda.

Luul oo la hadashay Radio Kulmiye iyada oo joogta Baydhabo waxa ay sheegtay in mudadaas 13-ka cisho ah aysan garaneyn waxa ay u xirneed oo loo heystay.

Gabadhaan oo ah sama-fale si weyn looga yaqaano magaalada Baydhabo, ayaa sheegtay in ay dareemeyso cabsi iyadoo haatan korsaneysa caruur agoon ah.

Luul Isaaq ayaa seygeedii lagu dilay magaalada Baydhabo iyada oo la socota 8-dii bishan September, xiligaas oo uu Baydhabo ku sugnaa Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaana dilay sida la sheegay askar ka tirsan booliiska maamulka Koonfur Galbeed.

Xiliga uu dilku dhacay oo ahayd goor galab ah ayaa Luul iyo seygeeda oo ka yimid duleedka magaalada Baydhabo waxaa kasoo horbaxay baabuur tikniko ah oo aysan meesha ka filanayn sida ay sheegtay.

Iyada oo gacanteeda ku waday gaari ayaa baqdin ay ka qaaday gadiidkaas waxa uu gaarigii ay wateen kula dhacay gaari Badi-bile ah oo ay wateen booliiska ka tirsan Koonfur Galbeed oo qeyb ka ahaa ilaada Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xiligaas u socday dhagax dhigga garoonka kubadda cagta Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo.

Halkaan ka dhageyso Luul oo la hadashay KNN: