Somali News

Hooyo Soomaaliyeed oo dalbatay in cadaalada la marsiiyo Askari dilay Wiilkeeda oo bajaajle ahaa.

Muqdisho-KNN-Shariifo luul Ibrahim oo ah hooyada dhashay marxuum maslax axmed cabdi jimcaale oo maalin ka hor uu ku dilay isgoyska howl-wadaag ee gobalka banaadir askari katirsan ciidanka pooliiska soomaaliya.

Hooyo shariifo oo lahadashay idaacadda kulmiye ayaa ka dalbatay madaxda ugu sareysa ee dowladda soomaaliya in lasoo qabto askariga dilay wiilkeeda si looga gudo dilka uu geystay.

Intaa waxa ay ku dartay in wiilkeeda ee la dilay uu ahaa madi una shaqeyn jiray islaamrkaana ay ku tiirsanaayeen reer dhanm oo uu isaga masuul ka ahaaa.

Marxuumka la dilay ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ku shqeysan jirtay mootyada loo yaqaano bajaajta oo nolol maalmeydkiisa ka dabaran jiray.

Balse askariga dilka geystay ayaa lagu sheegay magaciisa maxamed cali butacoow sidoo kalane waxa uu ahaa darawalka taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka soomaaliyeed jeneraal zakiya xuseen axmed sida ay sheegeen ehelada marxuumka dhintay.