Sports

Hordhaca Kulanaka U Dhaxeeya Kooxaha Roma Vs Barcelona

OGEYSIISKA CIYAARTA.

 

SAACADDA: 9:45(XGA).

 

GAROONKA: CAMP NOU.

 

GARSOORAHA:  Danny Makkelie (Netherlands)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD.

 

Barcelona

  • Lionel Messi ayaa laabtay dhaawac uu ka qabay dhanka jilibka asagoo kazoo muuqday kulankii ay kooxdiisu barabaraha lagashay Sevilla sabtidii asagoona kusoo bilaaban doona kulankan.
  • Sergio Busquets, Lucas Digne and Sergi Samper ayaa dhammaantood dhaawacya qaba, halka Philippe Coutinho uusan sharciga Uefa uusan u ogaaleenin in uu cayaaro kulankan.
  • Sergio Roberto ayaa ganaax ku mutaysan doona jaalle uu ka qaato cayaartan.

 

 

 

Roma

 

 

 

  • Radja Nainggolan ayaa larajaynayaa in uu seego kulankan kadib markii uu cayaarta isaga baxay kulankii ay kooxdiisu barabaraha lagashay Bologna talaadadii. Asagoo Rick Kardsdorp kula biiray liiska dhaawacyda ee kooxda ka maqan.
  • Cengiz Ünder and Edin Dzeko ayaa labaduba kusoo laaban doona safka koobaad kadib markii loo dhaadhiciyay kursiga billawgii asbuucan.

Diego Perotti and Kostas Manolas ayaa ganaax mutaysan doona haddi loo taago calaamadda hurdiga kulanka.

 

SHAXAHA MACQUULKA AH.

 

Barcelona (4-4-2): Ter Stegen; Roberto, Piqué, Umtiti, Alba; Dembélé, Rakitic, Busquets, Iniesta; Messi, Suárez

 

Roma (4-3-3): Alisson; Florenzi, Fazio, Manolas, Kolarov; Nainggolan, De Rossi, Strootman; El Shaarawy, Dzeko, Perotti