Somali News

Howgal miino baaris ah oo ka socda Gobalka Bakool

Baydhabo-KNN-Ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya ayaa maanta  lagu soo waramayaa in howlgallo miino baaris ah ay ka wadaan Degaano dhaca Duleedka Degmada Waajid  ee Gobalka Bakool ,halkaasi oo dhowr jeer ciidamo iyo masuuliyin ka tirsan Koofur Galbeed  ay miino kula qaraxday.

Ciidamada ayaa dhamaan jid-cadayaasha gala degmada iyo kuwa ka baxa waxay ka wadaan Howlgaladan.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in ciidamada ay dhaq-dhaqaaqyo military ka wadaan duleedka degmada Waajid ee Gobalka Bakool.

Masuuuliyiinta Maamulka degmada Waajid ayaa sheegay in maanta howlgal miino baaris ah ay ciidamada xoogga ka wadaan deegno hor leh oo ka tirsan degmadaasi.

Al-Shabaab ayaa go’doomiyay deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalka Bakool.