Beledweyne-KNN- Ciidamada amaanka ayaa waxaa lagu soo warayamayaa in howlgalo isbaaro qaadis ah ay ka bilaabeen duleedka Magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan.
Deegaanada Howgalada ay ka sameeyeen ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Bisle, shiile Gaduud iyo deegaano kale.
Inta ay howlgalada socdeen ayaa waxaa la sheegay in labo qof oo maleeshiyaad ah la dhaawacay, sida ay dad Goobjoogayaal u sheegeen.
Saraakiisha Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howgalada ka dhanka ah kooxaha jidgooyooyinka dhiga duleedka Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.
Duleedka Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka soconaya howlgalada ay sameynayaan Ciidamada Xoogga ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.