Somali News

Howlgal isbaaro qaadis ah oo Maanta laga sameyay Shabeelaha Hoose.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay howlgalkan ka dhan ah Jidgooyinka ay ka sameeyeen Wadada isku xirta Degmooyinka Afgooye iyo Wanla-weyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Ujeedka Howgalka ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay sidii looga hortagi lahaa kooxaha inta badan dhaca u geysta dadka shacabka ee ku safra wadada isku xirta Degmooyinka Wanla-weyn iyo Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa KNN u Sheegay in dhowr jidgooyooyin ah laga qaaday Wadada u dhexeysa Afgooye iyo Wanla-weyn ee Gobalka Shabeelahaa Hoose.

Wadada Xiriirisa Degmooyinka Afgooye iyo Wanla-weyn ayaa inta badan waxaa lagu dhibaateeyaa shacabka Soomaaliyeed ee ku safra Wadadaasi.