Somali News

Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilowday Duleedka Marka.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa ay howlgalo ka sameeyeen deegaano hoostaga magaalada marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Deegaanada ay howlgalka ay Ciidamada ka sameeyeen ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Ceel Saliini iyo deegaano kale oo hoostaga Magaalada Marka.

Taliyaha Guutada 1-Aad ee Ciidanka Dhulka Col-Xassan Maxamed Abuukar oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in ay ku doonayeen howlgalkaas inay deegaano dhowr ah uga saaraan Al-Shabaab.

Taliyaha ma sheegin inay dad ku qabteen howlgalka balse uu sheegay in uu ahaa mid ay ku xaqiijiyeen amniga tulooyin dhowr ah oo ku dhow Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.