Somali News

Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo looga dhowaaqay Galmudug

Taliska ciidamada xoogga qeybt 21-aad ee ka howlgalla deegaanada Galmudug ayaa ku dhowaaqay howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaasi oo looga saarayo deegaanada ay kaga suganyihiin maamulkaasi.

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka General Maxamed Caddow Cali {Sanka} ayaa socdaal u jeedkiisa ahaa kormeer ku tagey xiro ay ciidamada xoogga ku leeyihiin degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Talyaha ayaa saraakiisha iyo ciidamada u sheegay inay u diyaar garoobaan howlgallo ka dhan ah AL-Shabaab, , kuwaasi oo looga saarayo deegaanada  Galmudug .

Sidoo kale wafdigan saraakiisha ayaa kormeer ku tagey xaruumo kale oo ciidan, kuwaasi oo ay ciidamada xoogga ku leeyihiin inta u dhaxeysa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.