Somali News

Howlgal lagu dilay xubno Shabaab ah oo ka dhacay Jubada Hoose

Garoowe-KNN-Howlgal qorsheysan ayaa ciidamada Jubbaland waxaa ay ka fuliyeen Deegaanka Handaraaf ee Gobalka Jubada Hoose.

Waxaana la sheegay in howlgalka laga fuliyey degaan ka tirsan G/Jubbada Hoose, islamarkaana lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Tirada la dilay ayaa waxaa lagu sheegay 3 xubnood oo Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka Al-Shabaab.

Maalmihii dambe ayaa Jubbaland waxaa ay abaabul dagaal ka waday deegaano ka tirsan Gobalada Jubada Hoose iyo dhexe.