Somali News

Howlgal lagu soo qabtay nin xaaskiisa dilay oo ka dhacay Sh/Hoose

Muqdisho-KNN-Saraakiisha ciidamada militeriga Soomaaliya ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal lagu soo qabtay nin dhawaan xaaskiisa dilay.

Howlgalkaas ayaa ka dhacay deegaanada Sabiid iyo Caanoole, waxaana lagu soo qabtay Cabduqadir Cali Axmed oo ku eedeysan inuu dhawaan xaaskiisa ku dilay tuulo lagu magacaabo Muur-Diinle oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Howlhalkan waxaa fuliyey ciidamo ka tirsa guutada 14-ka October waxay saraakiishii hoggaamineysay sheegeen inay ku guuleysteen in gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiiglihii saaxkiisa dilay.

Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray, Khadiija Sheekh Nuur Cabdi, waxaana la sheegay inta uusan dilin seygeeda inay aheyd xaamilo.