Muqdisho-KNN-Sida lagu qoray twitterka Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka dalka howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen xafiiska xisbada al-shabaab ee sabiid iyo caanoole ay kusoo qabteen laboxubnood oo al-shabaab ah, qalab walxaha qarxa ah iyo saanad ciidan.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in sababta ciidamada ammaanku ay u beegsanayaan alshabaab ay tahay marwaliba badbaadinta shacabka soomaaliyeed iyo guud ahaan dalka in laga saaro Al-shabaab.
Ciidamada ammaanka dalka ayaa kordhiyay howlagalada lagu xaqiijinayo ammaanka dalkaiyagoona sheega in mar waliba ay la dagaalamayaan al-shabaab inta dalka lagasaarayo.


