Somali News

Howlgal saaka ka socda Afgooye

Afgooye-KNN-Ciidamada Booliska degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa saaka halkaa waxa ay ka bilaabeen howlgal ay ku baadi goobayaan rag ka tirsan Al-Shabaab oo la aaminsanyahay in ku jiraan gudaha magaalada.

Howlgalkan ayaa sidoo kale waxaa la sheegayaa in ciidamadu ay ka sameynayaan duleedka magaalada Afgooye, Shabaab ayaa magaalada culeys badan soo saaray dhowrkii bilood ee ina dhaafay.

Habeen ka hor Al-Shabaab weerar ayay ku ekeeyeen degmada Afgooye, kolwalba oo weerar dhacana ciidamada amaanka warkoodu waxa uu kusoo koobmaa “amaanka waxbaan ka qaban doonnaa”.