Somali News

Howlgal saaka ka socda magaalada Marko

Marko-KNN-Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in saaka halkaa ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ka bilaabeen howlgal, amaanka lagu xaqiijinayo.

Dadka magaalada ayaa sheegay in gudaha Marka saaka ay baaritaan ka bilaabeen ciidamada Xoogga dalka ee shalay halkaa la wareegay.

Howlgalkan ayaa dhacaya iyada oo maalinimadii shalay aheed uu magaalada la wareegay Jeneraal Cabdullaahi Cali Canood oo dhawaan laga xayuubiyay xilka abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka.