Somali News

Howlgal wadajir oo laga sameeyay Muqdisho

Howlgal ay iska kaashanayeen Ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabadsugida Gobolka Banaadir waxay xalay ka sameeyeen si guud degmada Kaaraan, kadib markii ay kordheyn falalka amni daro ee ka dhan ah Dadka deegaanka.

Intii uu socday howlgalka ciidamada, waxaa usuurtagashay in ay kusoo qabtaan Qamri farabadan oo ah Kan dalka dibaddiisa laga keeno, Calaq oo dalka lagu farsameeyo, Xashiish, Kooxo Burcad ah iyo hubkii ay wax ku dhici jireen.

Sidoo kale, howlgalka waxaa horkacayay taliyaha qeybta guud ee booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, iyadoo uu ku wehlinayay Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Cali Calasow Goofjooge.

Howlgalka kadib, waxaa warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, Abshir Maxamuud Maxamed, (Abshir Kaaraan), isagoo carabka ku dhuftay in Kooxaha Burcadda oo ay ku jiraan Ciyaal weerada dhibaato xoogleh ay ku hayaan shacabka degmadaas, islamarkaana ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto.

Bulshada degmada Kaaraan ayuu Guddoomiyaha ugu baaqay in ay laamaha ammaanka ay kala shaqeeyaan sugid amniga, si ammaan iyo kala dambeyn loo helo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Kooxaha Burcadda ah ay yihiin kuwo ku dhuumanaya Guryaha, isagoo uga digay shacabka inay qariyaan, wuxuuna xusay in qofkii qariya uu lamid yahay dambiilaha.

Dhankiisa, Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Calasow Goofjooge,  ayaa sheegay in howlgalka dadka lagu qabtay baaritaano dheeri ah lagu sameyn doono, isla markaana cid kasta oo lagu helo inay qeyb ka aheyd amni darrada tallaabo laga qaadi doono.

Wuxuu tilmaamay in howlgalkaan uu noqon doono mid si joogto ah looga sameyn doono Magaalada Muqdisho si Amniga Magaalada loo hagaajiyo, wuxuuna Shacabka ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga.

Howlgalka wadajirka ah oo ay laamaha ammaanka ka sameeyeen degmada Kaaraan ayaa kusooo aadaya, xili muddooyinkii ugu dambeeyay ay qeylo dhaan ballaaran jeedinayen shacabka degmadaas, taas oo la xiriirta dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhac ay kala kulmayaan kooxo burcad ah oo ay ugu daran yihiin Ciyaal weerada.