Uncategorized

Howlgal xoog leh oo maanta ka socda Xaafadaha degmada Afgooye.

Afgooye-KNN-Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in wali xaafadaha degmadaasi ay Howlgal xoog leh ay ka wadaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxaana Howlgalka ku wehliya Ciidamada AMISOM.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro kuwaas oo la sheegay in Ciidamada ay ka xeesteen waxaana la soo daayay qaar ka mid ah halka kuwa kalane la sheegay in baaritaan lagu sameyn doono.

Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday xaafadaha Waqooyi Galbeed ee Afgooye sida Dhaqaxtuur iyo Muuddo yarey,waxaana ay halkaas kula dagaallameen Ciidamada Dowladda.