Somali News

Howlgalka ATMIS oo Ciidamada Soomaalida ku wareejinaya Amniga Villa Somalia

Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee loo yaqaanno Koofiyad Casta iyo kuwa booliiska sida gaarka ah u tababaran ayaa maanta si rasmi ah ula wareegaya amniga guud ee madaxtooyada dalka oo horey ay amnigeeda qeyb ka mid ah wax uga sugi jireen ciidanka howgalka ku meel gaarka ah ee ATMIS.

Lix iyo toban sano kadib ciidamada ATMIS ayaa wareejinaya amniga Madaxtooyada Soomaaliya oo ah halka dalka looga arrimiyo sidoo kalena ay daggan yihiin madaxda dowladda Soomaaliya ugu sarreysa.

Qaybta koowaad ee ciidamada ATMIS oo ah Ciidamada Difaaca Dadka Uganda (UPDF) ayaa si guud mas’uul uga ah ammaanka madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku yaallaan xafiisyada Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha iyo Baarlamaanka tan iyo sanadkii 2007-dii.

Ciidanka ATMIS ayaa si gaar ah u sugi jiray amniga gudaha Madaxtooyada waxaana ay galbiyaan oo ilaaliyaan madaxada dowladda marka ay safar u baxayaan ama ay kasoo dagayaan sida uu sheegay Senator Axmed Maxamed Cali Afcaddeey oo soo noqday Taliyaha Ciidanka Madaxtoooyda.