Somali News

Howlgalka ATMIS oo ciidamo hor leh keenay Magaalada Muqdisho

Bayaan ka soo baxay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) in ay dalka soo gaareen 160-askari oo booliis ah, kuwaasi oo ka yimid Nigeria si ay u taageeraan dadaallada xasilinta ee ka socda wadanka.

Mohammed Ibrahim, oo ah taliyaha qeybta kow iyo tobnaad ee qeybta Booliska ee Nigeria, ayaa sheegay in saraakiishu ay taageero siin doonaan Booliiska Soomaaliya si waafaqsan qorshaha kala guurka ee Howlgalka ATMIS.

ATMIS waxa ay sheegtay in ciidamada oo Muqdisho soo gaaray, ay bedelayaan ciidan kale oo loo yaqaan NFPU 10, kuwaas oo dhawaan dib ugu laabtay Nigeria ka dib markii ay soo dhameysteen Howlo ay ka mid ahaayeen in ay gacan ka geystaan ​​sugidda amniga  xiligii Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Qaybta Booliska ee ATMIS oo ka 1,040 Askari iyo shaqaale,  ayaa sii ahaan doona tiradaasi inta laga gaarayo 2024, sida uu qabo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Saraakiisha booliiska ayaa howshoodu tahay tababarada gaarka ah iyo latalinta ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo ay wehliso ilaalinta wadajirka ah iyo ilaalinta Xarumaha Muhiimka ah.