Somali News

Howlgalka ATMIS oo sheegay in ay dardar galinayaan dagaalka Al-shabaab

Taliyaha Ciidanka ATMIS Gen. Sam Okiding ayaa ka hadlay qorshaha Howlgalka ATMIS ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dalka.

Taliyaha ayaa sheegay ATMIS ay diyaar u tahay in ay dar dargaliso howgalada dalka loo saarayo Al-shabaab, iyaga oo  garab siinaya Qeybaha kala duwan ee Ciidamada Soomaaliyeed.

“Waa in Al Shabaab laga adkaado si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo xasilooni, waana Hawsha koowaad ee aan qabanayno sanadka soo socda ee 2024″ ayuu yiri Taliyaha Howlgalka ATMIS.

Waxaa uu sheegay in ay taageero iyo tababar siinayaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed,  si ay awood ugu yeeshaan si ay amniga ula wareegaan.

Sidoo kale, waxaa uu sheegya in uu socdo qorshaha shir ay isugu imaanayaan dhammaan taliyayaasha ATMIS, kaasi oo lagu qaban doono Muqdisho, iyada oo looga arinsan doono qorshaha dagaalka Al-shabaabm

Ciidamada Howgalka ATMIS ayaa la filayaa in ay Soomaaliya ka baxaan ugu dambeyn dhammaadka sannadka soo socda ee 2024.