Somali News

Howlgallo ka socda Gurceel iyo Al-Shabaab oo soo gaaray deegaano hoos taga

Gurceel-KNN-Degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud waxaa xalay illa maanta ka socda howlgallo ay sameynayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kadib weerar xalay ka dhacay guri sarkaal ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya uu ka deganyahay Gurceel.

Weerar loo adeegsaday bambo gacmeed ayaa xalay lagu qaaday guriga salkaalkaas, waxaana ka badbaaday isaga iyo ilaaladiisa oo ku sugnaa guriga goortii la weeraray.

Dhanka kale dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa soo buuxdhaafiyey deegaanada hoos taga degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud, waxaana la soo sheegayaa in dadka deegaanku ay barakac sameynayaan.

Weriyaha Idaacadda Kulamiye ee gobolka Galgaduud Maxamed Cabdiweli Tooxow ayaa warbixintan noo soo diray.