Gaalkacyo–KNN–Wararka Naga soo gaaraya Magaalada gaalkacyo ayaa sheegaya in Saakay Howlgalo Baaritaano ah Ciidamada Amaanka ay ka sameynayaan Magaalada,maadaama dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Gaalkacyo ay soo bateen.
Sidoo kale waxaa jira in Mid ka mid ah farsamayaqaanada loo yaqaano Makaanikada lagu dilay Magaalada Gaalkacyo,iyadoona Dableydii dilka geystay ay isaga baxsadeen Goobta ay falka ka geysteen.
Cawil Ruur Rooble Taliyaha Saldhiga Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Saakay Howlgalo lagu badi goobayo kooxihii ka dambeeyay Dil loo geystay mid ka mid ah Farsamayaqaanada gawaarida ee loo yaqaano Makaanikada.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Gacanta lagu soo dhigi doono kooxihii falkaas ka dambeeyay,islamarkaana Tilaabo cad ah laga qaadi doono kooxaha dilalka ka geysta Magaalada gaalkacyo.
Magaalada Gaalkacyo ayaa mudooyinkii dambe waxaa ku soo badanayay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo Askarta ka Tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland.