Somali News

Howlgalo ka socda Beledweyne

Wararka Ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ciidamada xoogga iyo kuwa booliska Soomaaliya ay maanta howlgalo looga hortagayo banaanbax laga cabsi qabo in ay ka dhacaan ka wada magaaladaasi.

Ciidamadan ayaa howlgalo  ka Billabay Wadada Dheer ee Nuur xawaad illaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne.

Waraarka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ay maanta baarayaan Shacabka iyo Gaadiidka isticmaala wada Dheer ee Xiriirisa Nuur xawaad illaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne.

Ma jiraan Weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.