Somali News

Howlgalo ka socda Gaalkacyo iyo dad badan oo loo qabtay.

Gaalkacyo-KNN-Ciidamada amaanka ayaa kordhay howlgalada ay ka wadaan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Howgalkan ayaa waxaa loogu magac daray Caa’isha Maxay galabsatay, kaasi oo loogu hortagayo falalka amni daro ee ka dhaca magaaladaasi.

Inta uu howlgalka socday  ayaa waxaa lagu soo qabtay dad Boqol kor u dhaafaya, kuwaas oo u badan dhalinyaro,waxaana ay ka dambeysay kadib markii Shacabka Waqooyiga Gaalkacyo ay cabasho ka keeneen dhalinyaro habeenkii dhac u geysata.

Saraakiisha Maamulka Puntaland ayaan wali faahfaahinin howgalada ka socda waqooyiga Magaalada Gaalkacyo iyo dadka lagu soo qabtay howlgalkaasi.

Howlgaladan ayaa ku soo aadayaa kadib markii ay kordheen falalka amni daro ee ka dhaca waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.