Uncategorized

Howlgalo laga Sameeyay degmada Warta-Nabadda.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Xasilinta magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in Xalay  Howlgalo Baaritaano ah ay ka sameeyeen Xaafado ka mid ah degmada Warta-Nabadda ee gobalka Banaadir.

Howlgalada ayaa laga sameeyay Xaafada Xamar jadiid iyo meelo kale waxaana lagu soo qab qabtay ku dhawaad 100 ruux oo dhalinyaro kuwaas oo intooda la sii daayay sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Ciidanka ayaa dadkii ay qabteen oo la sheegay in ay dhaha ka xereen ayaa isugu geeyay Barxad ku taala xaafadda Xamar jadiid ka dibna Baaritaan ay ku sameeyeen sii daayay intooda badneed.

Qaar ka mid ah dadkii Howlgalka lagu qab qabtay ayaa dadka deegaanka noo xaqiijiyeen in ay Ciidanka hore u ka xeesteen.

Howlgalkaan ayaa qeyb ah Howlgalo habeenada qaar ay ciidanka ka sameeyaan degmooyinka Gobalka Banaadir oo lagu baadi goobayo kooxaha amaan darada ka geestay Gobalka Banaadir.