Dhuusamareeb-KNN-Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in mudo todobaad ah oo ka soo bilaabatay maanta la hakiyey howlihii dhismaha maamulka Galmudug, oo balanku ahaa in la guda galo todobaadkan.
Hakinta howshii dhismaha maamulka Galmudug ayaa waxaa la sheegay in looga gol leeyahay in mudadaas todobaadka ah lagu soo af-jaro khilaafka Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka oo ka dhashay qaabka ay dowladdu u rabto in loo dhiso maamulka iyo qoondo ay rabto Ahlu-Sunna inay ku yeelato maamulka cusub ee loo dhisayo Galmudug.
Xubno ka tirsan wasaaradda arimaha gudaha ayaa noo sheegay in Muqdisho laga wacay Cabdisamad Macalin Maxamuud wasiirkii hore ee arimaha gudaha, kaas oo isku xire u ahaa dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna.
Cabdisamad ayaa la sheegay inay dowladdu ka dalbatay inuu ka qeyb qaato xalinta tabashada hoggaanka Ahlu-Sunna.
Ahlu-Sunna ayaa horay dowladda federaalka ugu eedeysay inay uga baxday heshiis ay ku wada gaareen magaalada Dhuusamareeb, waxayna haatan ku howlantahay dhismaha maamul ka madax banaan kan ay gar wadeenka ka tahay dowladda federaalka.
Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maanta ay wasaaradda arimaha gudaha liiska 44 oday oo soo xulaya baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug ay ku wareejisay guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in caawa ay kulamo xal looga gaarayo khilaafkaas ay dowladda iyo hoggaanka Ahlu-Sunna uga bilaawdeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.