Somali News

Hub badan oo lagu qabtay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Ciidanka Liyuu booliska dawlad degaanka Soomaalida, ayaa gacanta ku dhigay 39 baaskooladdood, kuwaasi oo lagu qabtay magaalo Qaran oo ah magaalo u dhow xuduudka Wajaale.


Hubkan ayaa la sheegay in laga keenay dhanka magaalada Wajaale, iyadoo gacanta lagu dhigay saddex nin oo lagu eedeeyay in ay hubkaasi wateen.

Ciidamada ammaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku wada baaris dheeraad ah.