Sports

Ian Wright oo qabo in liverpool ay wayn karto Farmino xagaaga soo aadan.

Moqdisho-KNN-Weeraryahankii hore ee Arsenal hadana  falanqeeya ciyaaraha Ian Wright ayaa qirtay in Bayern Munich ay diiradda  saareyso weeraryahanka Liverpool Roberto Firmino hadii ay waayaan Robert Lewandowski xagaaga soo aadan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Poland waa lewandowski ayaa lala xiriiriyay Real Madrid dhowr jeer xilli ciyaareedyadii lasoo dhaafay, wararka xanta ah ayaana soo baxayay ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga aad ay u doonaysay kooxda madrid dhaliyahan xaagaga soosocda ayaana laga yabaa inuu ku biiro real madrid xidigan.

Wright ayaa aaminsan in kooxda Jarmalku ay tixgelin doonto inay udhaqaaqdo Firmino, kaasoo qaab ciyaareed wanaagsan ku soo bandhigay ka hoos shaqaynta macalin Jurgen Klopp oo Anfield ka arimiya, isagoo 23 gool u dhaliyay xilli ciyaareedkan.

“Waxay doonayaan Lewandowski Real Madrid, hadii ay taasi dhacdo Bayern waxay rabtaa Firmino” ayuu Wright u sheegay Sky Sports News.

“Firmino waa lambar sagaal  aad u fiican, waa wax aan la rumeysan karin hadii uu ka dhaqaaqo kooxda madrid.”

Firmino iyo saaxiibkiisa Mohamed Salah ayaa leh gooldhalinta ugu badan ee tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.