Somali News

ICG oo ka digtay dib u dhac ku yimaada Doorashada Somalia

Kooxda Xasarada aduunka ee ICG ayaa sheegtay in Somalia ay ka dib dhacday xiliga Doorashooyinka ee mida Barlamaanka iyo tan Madaxweynaha.


Hay’ada oo fadhigeedu yahay Brussels ayaa ka digtay in howlaha dorashooyinka ay hortaagan yihiin dhowr caqabado oo keeni kara in khilaaf ka dhasho Natiijada Doorashooyinka,waxa ay ku baaqday in waqti dheeraad ah loo baahan yahay si looga fogaado khilaafadka siyaasadeed ee wali taagan.

Dowladda Somalia ayaa dajisay Jadwal Doorasho oo la doonayo in ugu dambeen bisha Fibraayo la qabto Doorashada Madaxweyne ee 2020/2021 kaa oo Hogaamiyaasha Mucaaradka ay diidan yihiin qaabka loosoxulay Guddiga maamulaya Doorashada.