Uncategorized

Idaacadda Kulmiye oo maanta u dabaal dagtay sanad guuradii 7-aad + SAWIRO.

Muqdisho-KNN-Xaflad si heer saro ah loo soo agaasimay oo ay ka qayb galayn madax iyo shacab ayaa lagu qabtay Howl-weyn oo ku yaala Beerta Nabadd ee magaalada Muqdisho, xafladaas oo loogu dabaal dagayay sanad guuradii 7-aad ee aas-aaska Idaacadda Kulmiye.

Munasaabadda ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar “Yariisow” Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-cadaala, Senator Muna Cumar Xasan iyo wariyiyaal kale, waxaana loogu dabaal dagayay sanad guurada KNN.

Sidoo kale xafladda ayaa waxaa ka dhax muuqday dadka baahiyaha gaar-ka ah qabo, kuwaas oo kaalin weyn ku lahaa munaasabadda, waxaana Hogaaminayay Ismaaciil Axmed Maxamuud oo ah naafo dhawaan ka qalin jebiyay jaamacad ku taala magaalada Muqdisho.

Hal ku dhigga sanadkaan ee sanad guurada KNN ayaa ahaa “RAASUMAALKA AQOONTA KA RUMEE SIDA RAAGE” oo ah 20 jir dhib badan ka soo maray waxbarashada Islamarkana dhawaan dhameestay aqoonta heerka 1-aad ee jaamacadda.

Dhamaan martidii ka hadashay munaasabadda ayaa umaan iyo hamblyo usoo jeediyay maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda Kulmiye waxayna ku amaaneen gudbinta iyo baahinta wararka iyo Barnaamijyada xaqiiqda taabanaya.

Kulmiye oo la aas-aasay sanadkii 2011-kii ayaa ku guuleesatay Abaal-marino kala duwan, waxaana lagu tilmaama Idaacadda ugu horeysa warbaahinta Muqdisho iyo guud ahaan Warbaahinta Soomaaliya.