Uncategorized

Idaacadda Kulmiye oo qaar ka mid ah Naafada Muqdisho deeq gaarsiisay,+ SAWIRO.

Muqdisho-KNN-Idaacadda Kulmiye oo maanta dabaal dageysa sanad guuradii 7-aad ee ka soo wareegatay markii la unkay ayaa deeq lacag ah gaarsiiyay qaar ka mid ah naafada ama dadka baahiyaha gaar-ka ah qaba ee ku nool magaalada Muqdisho.

Maamulka Idaacadda ayaa gartay in dabaal dagii weynaa ee lagu marti qaadi lahaa dad kala duwan lagu badalo u gurmashada dadka baahiyaha gaar-ka ah qaba ee ku nool Muqdisho, waxaana maanta nasiib u yeeshay in ay helaan lacag cadaan qaar ka mid ah naafada oo isugu jira rag iyo dumar iyo caruur.

Naafada maanta Nasiibka u yeeshay in ay helaan lacagtaan cadaanka ah ayaa uga mahad celiyay maamulka iyo Shaqaalaha Kulmiye, oo ku beegay deeqda xili ay dadkaan heystaan daruufo aad u adag.