Iiraan ayaa loo doortay madaxweyne cusub. Dalka Iiraan, madaxweynaha ayaa mar kasta noqonaya mas’uulka labaad ee ugu sarreeya dalka marka laga soo tago hoggaamiyaha ruuxiga ahi oo ah mas’uulka ugu sarreeya dalkaas.
Madaxweynaha la doortay Ebrahim Raisi ayaa saameyn weyn ku yeelan doono siyaasadda gudaha iyo tan dibadda.
Balse qaab dhismeedka maamulka ee Iiraan ayaa Aayaatullah Cali Khamenei oo ah hoggaamiyaha ruuxiga ahi ee dalkaasi ka dhigaya midka leh go’aanka ugu dambeeya ee dowladnimo.
Ibraahim Ra”iisi ayaa loo arkaa inuu yahay musharrax aad ugu dhow hoggaamiyaha Ruuxiga ee Aayatullaah Cali Khameyni.
Inkastoo natiijada arsmiga ah aan lagu dhawaaqin, haddana guddoomiyaha xafiiska doorashooyinka ayaa si hordhac ah natiijada ugu dhawaaqay.


