Somali News

Ilhaan Cumar oo ka hadashay Khilaaf Trump iyo duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed kana mid ah aqalka koongreska Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay kahadashay khilaafka iyada iyo Madaxweyne Trump udhaxeeyay mudadii ay xubinta ka eheed golaha Koongareyska iyagoo Fariimo isku mariyay baraha  Bulshadu ku xariirto gaar ahaan Twitter-ka .

Ilhaan waxa ay sheegtay in taageerayasha Madaxweyne Trump ay yihiin kuwo dhamaantoodba aaminsan  in qof Muislim ah uusan joogin wadanka Mareykanka, waxayna sidoo kale tilmaantay in marwalba kursiga  ay ku fadhiso ugu doodi doonto Dadka Shacabka ah oo ay matasho.

Ilhaan ayaa soo hadal qaaday duqeymaha Diyaaradaha Mareykanku ay ka gaystaan qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya,  waxayna sheegaty in duqeemahaas  ay wax yeelo ka soo gaarto dad Shacab ah ee Soomaaliyeed, markii laga reebo Al-Shabaab ayay sheegtay in ay xuquuqdooda u doodayaan dadkaas si ay magdhaw u helaan.