Somali News

Ilhaan Cumar oo mar kale ku guuleysatay gursiga xisbigeeda ee Aqalka Wakiillada

Muqdisho-KNN-Xildhibaan Ilhaan Cumar, ayaa mar kale ku guuleysatay doorasho ka dhacday dalka Mareykanka oo xisbigeeda dhexdiisa ay ka gashay, isla markaana loogu tartamayay kursiga xildhibaanka ku metelaya Aqalka Wakiillada Mareykanka, degmo ka tirsan gobolka Minnesota.

Ilhaan Cumar kursigaas waxay loolan adag kula gashay siyaasi lagu magacaabo Antone Melton iyo saddex musharrax oo kale, kuwaas oo sida la sheegay ka mideystaan inay Ilhaan meesha ka saaraan, balse natiijo fiican ayey uga guuleysatay.

50% in ka badan codadkii la dhiibtay ayey uga guuleysatay musharxii ugu codadka badnaa.

Guusheeda kadib, qoraal ay ku daabacday barteeda twitter-ka Ilhaan Cumar waxay ku tiri, “Gudaha Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay. Caawana, dhaq-dhaqaaqeennu guul kaliya ma uusan soo hoyinin. Waxaan kasbannay maamul isbaddal keenaya. Iyadoo ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro nagu socday, taageeradeennu wey sii korortay” ayey ku soo gaba-gabeysay qoraalkeeda.

Taageerayaasha xisbiga ee gobolka Minnesota ayaa mar kale Ilhaan Cumar u xushay inay sii difaacato kursigeeda degmada 5-aad ee Minnesota, marka la gaaro doorashada guud ee lagu wado inay Mareykanka ka dhacdo bisha November ee sanadkan.

Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota ayaa markii lagu dhawaaqay guusha Ilhaan Cumar ay ka gaartay doorashada kadib, waxay cabireen dareenkooda.

Afartii sano ee lasoo dhaafay oo ay eheyd xubin firfircoon oo ka tirsan Aqalka koongareyska Mareykanka, waxay Ilhaan Cumar si weyn uga dhex muuqatay siyaasadda Mareykanka, iyadoo mar kasta codkeeda ku muujineysay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadaha maamulka madaxweynaha dalkaas, waa Donald Trump.

Madaxweyne Trump laftiisu marar badan ayuu Ilhaan Cumar hawada u mariyey hadallo dhaleeceyn ah, waxuuna loolankoodu isla soo gaaray kursigan ay markii labaad guusha ka soo hoysay.

Ilhaan Cumar waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee heerkaan ka gaartay siyaasadda dalka Mareykanka, sidoo kale waxay ka mid tahay haweenka muslimiinta ah ee markii ugu horreysay ku biiray Congress-ka Marerykanka.

Weriyaha KNN Liibaan Nuur Xasan ayaa warbixintan nooga diyaariyey.