Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykan ayaa ka jawaabtay war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil .
Warkaas ayaa ku saabsanaa in iyada iyo Haweenay kale oo katirsan isla Congress-ka Mareykanka oo lagu magacaabo Rashida in aysan imaan karin Israa’iil gaar ahaan magaalada Qudus iyo Daanta Galbeed oo ay qorshaynayeen in ay booqasho ku tagaan
Ilhaan ayaa boggeeda Twitter-ka kusoo qortay “Xubin ahaan anigoo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda (Congress-ka), waa shaqadeyda in aan la socdo kaalmada caalamka ee Mareykanka uu bixiyo iyo sharciyeynta ku dhaqanka xuquuqda aadanaha ee daafaha caalamka”
Waxay intaa ku dartay “Xayiraaddii Trump ee Muslimiinta uu saaray waa tallaabada ay Israa’iil meel marineyso, markaan waxaa la bartilmaameedsaday laba xubin oo si sharci ah loogu doortay aqalka Congress-ka, Waxaa wax laga xumaado ah in arrintan aysan la yaab lahayn, marka loo eego dhanka bulshada, kaas oo si joogto ah uga goys haysta dadaallada nabadda” ayaa ay Ilhaan Cumar kusoo geba-gebaysay hadalkeeda.
Ilhaan Cumar iyo Haweenaydan kale oo lagu Magacaabo Rashida Tlaib una dhalatay Falastiin ayaa labadooda waxaa lagu eedeeyaa in ay si wayn u dhaliilaan siyaasadda Israa’iil
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in Israa’iil ay xayiraadda dib uga qaaday Rashida kadib markii ay warqad codsi ah ay u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil taasoo ay ku dalbatay in loo ogolaado in ay soo booqato waalidiinteeda oo ay ugu horayso Ayeeyadeed oo 90 jir ah kuna nool Daanta Galbeed .
Benjamin Netanyahu ayaa lasheegay in uu codsigeedii ogolaaday balse uu sharuud uga dhigay inay faraha kala baxdo arrimaha Israa’iil inta ay booqashadeeda ku jirto