Muqdisho-KNN-Xiddiga qadka dhexe ee Manchester City Ilkay Gundogan ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu iska diido inuu u dhaqaaqo Barcelona si uu ugu sii joogo kooxda heysata horyaalka Premier League.
Barcelona ayaa lala xiriirinaayey inay u dhaqaaqeyso 27 jirkaan, kaasoo labo sanno ka hartay qandaraaskiisa haatan ee Etihad Stadium.
Si kastaba ha ahaatee, Manchester Evening Newsreports ayaa sheegeysa in Gundogan uu xiiseynayo inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa City ka hor inta uusan u dhaqaaqin kooxda heysata horyaalka La Liga ee Barcelona.
Gundogan ayaa ciyaaray dhamaan afartii kulan ee horyaalka Premier League ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, waxaana uu 48 kulan uusan dheelin tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, iyadoo kooxda Pep Guardiola ay ku guuleysatay horyaalka Premier League iyo EFL Cup.
Kooxo kale ayaa sidoo kale la fahamsan yahay inay miisaamayaan inay u dhaqaaqaan xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka, oo ay ku jiraan AC Milan iyo kooxo ka tirsan Bundesliga.