Somali News

Ilmihii Lixaad oo ku dhintay xabsi Mareykanku uu muhaajiriinta ku xiro.

Muqdisho-KNN-Gabar 10 jir ah oo kasoo jeeda Elvalvador ayaa ku dhimatay xabsi ku yaala Mareykanka Sanadkii hore, waa kiis aan wali la warin oo tiradda caruurta ku dhimata Xabsiyadda Mareykanka ka dhiga Lix.

Caruurtaasi waxay geeriyoodeen mudoo Sideed bilood gudahood ah.

Gabadha yar ayaa qabtay xanuun wadnaha ah waxayna dhimatay Bishii September ee Sanadkii hore, sida ay Cadeeyeen Saraakiil ka tirsan kuwa xuduudaha u qaabilsan Mareeykanka.

Magaceeda, xilliga iyo marka ay gashay Mareeykanka wali lama oga. Laakiin mudaneyaal ka tirsan Dimoqaraadyiinta ayaa ku doodaya in baaris lagu sameeyo Geeridda gabadha yar.

Madaxweynaha Mareykanka ayaase ku adkeeysanaya balanqaadkiisii ahaa in Xabsiga dhigi doono muhaajir walba oo kasoo gala xuduudda Mexico.