Uncategorized

Imaaraadka Carabta oo Shaki ka dhex dhaliyay Doorashada Somaliland

Hargeysa–KNN– Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa Ee Caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in Muran uu ka dhashay Deeq Gargaar ah oo loo qeybiyay Dadka danta yar ee ku nool Qeybo ka mida Degaanada Maamulka Somaliland islamarkaana ay qeybisay Hay’adda Bisha Case Ee Imaaraadka Carabta iyadoo sii marseesay NGO la yiraado Khadiija oo ka howlgala Somaliland.

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliif C/llaahi Axmed ayaa sheegay in la Hakiyay Macawinadii ka dib markii ay soo baxeen Shaki iyo Jahwareer ka dhashay Qeybinta Gargaarka Imaaraadka Carabta uu ugu deeqay Dadka ku dhibaateysan Degaanada Maamulka Somaliland.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Dacwo laga soo gudbiyay NGO-ga lagu Magacaabo Khadiija oo qeybiyay Deeq Macawino ah,haddana Sawirtay Dadkii la siiyay Kaararka ay ku helayaan Raashinka,taas oo keentay inuu yimaado Shaki ah in Doorashada Somaliland ay door weyn ku yeeshaan Imaaraadka Carabta,iyagoo Taageeraya mid kamida Xisbiyada Tartamaya si Mas’uulka ay wataan uu u soo baxo,wuxuuna intaas ku daray Wasiirka in Sababta loo Hakiyay Gargaarka uu yahay in la baaro Cabashada timid haddii ay jirtana wax laga qabto,haddii aysan jirina la fasaxo Qeybinta Gargaarka.

Maalmo ka hor ayey aheyd Markii Diyaarad Sidday Kaararka lagu Codeeyo iyo Foomamka loogu talo galay Doorashada oo ay soo sameeyeen Imaaraadka Carabta la geeyay Magaalada Hargeysa,waxaana Xusid mudan in Doorashada Madaxweynaha Somaliland ay dhici doonto Bisha soo socota Ee November.