Uncategorized

Imaaraadka oo Dacwad ka gudbiyay Dowladda Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Warar ay heshay Idaacadda kulmiye ayaa sheegaya in Dowladda Imaaraadka Carabta ay Dacwad ka gudbisay Dowladda Soomaaliya kadib khilaaf bilooyinkii la soo dhaafay u dhaxeeyay Labada Dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Wararka ay heshay KNN ayaa sheegaya in Imaaraadka ay Jaamacadda Carabta u gudbiyeen Warqad Cabasho ah oo ay kaga cabanayaan Dowladda Soomaaliya, Imaaraadka Carabta ayaa waxyaabaha ay ka dacwoodeen waxaa ka mid ah Lacagtii dhawaan lagu qabtay Garoonka Muqdisho oo ay sheegeen in aan si wanaagsan loola dhaqmin Shaqaalaha Diyaaradda iyo masuuliyiinta Muqdisho ujooga.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore Dowladda Imaaraadka carabta ka gudbisay Warqad Cabasho ah oo ku aadan faragelin ay kala kulmeen Imaaraadka iyo qal qal gelinta amaanka Soomaaliya.