Uncategorized

Imaaraadka oo saanad Ciidan looga reebay Boosaaso.

Boosaaso-KNN-Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaso Waxaa Saacado ku Xanibnaa Diyaarad la sheegay iney leedahay Dowladda Imaaraadka, Taas oo Saraakiisheedi Ka la baxaysay Deegaanada Puntland.

Maamulka Puntland wali faah faahin kama bixin Balse Wariyaal ku sugan Garoonka Boosaaso ayaa KNN u xaqiijiyay in diyaarada la sii daayay Islamakaana ay la baxday saraakiishii ka joogtay deegaanada Puntland ee Soomaaliya.

Saraakiishii iyo sidoo shaqaalihii la socday diyaaradda Imaaraadka ayaa la sheegay in baaritaan la marsiiyay halka markii hore aysan sidaas dhici jirin.

Saraakiisha amaanka Puntland ee Garoonka Boosaaso ayaa la sheegay in ay diideen in Imaaraadka ay la baxaan Saanadooda Ciidan ee deegaanada Puntland waxaana looga rebay Garoonka magaalada.

Faah Faahinta La soco, Insha-Allah.