Muqdisho-KNN-Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaliland oo asagoo jooga dalka Imaaraatka Carabta la hadlay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegay in dawlada Imaaraatku ay u tababari doonto ciidamo military iyo boolis ah.
Madaxweyne Muuse Biixi waxaa uu sheegay in arrintaan ay qeyb ka tahay heshiiskii ay horey imaaraatka ula galeen oo imaaaraatku saldhig ciidan uga dhisanayo magaalo xeebeedka Berbara
M/weynaha Soomaliland waxaa u waraysigaan uu ku sheegay in xilligaan ay ka maamul ahaan wajahayaan culaysyo badan ay qasab tahay inay helaan ciidamo tababaran oo ay isku difaacaan taasna ay heshiis tababar ciidanimo la galeen dawlada Imaaraatka Carabta
Maadaama gobolka ay culaysyo badan naga soo wajahayaan si aan u bad baadno waa qasab inaa yeelano ciidamo awood leh waxaana taas naga caawinaya dawlada imaaratka oo aanu kula heshiinay markii aanu galaynay heshiiska saldhiga magaaladda Berbera ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay wakaaladda Wararka Reuters.
Muuse Biixi waxaa uu sheegay in dhismaha saldhiga Berbera oo sanadkaan dhamaanaya uu door weyn ka qaadan doono hormarka ciidamada amaanka Soomaaliland.
Dawlada Imaaraatku ayaa maalgashi fara badan ku samayso degaanada Soomaaliland waxaan rajaynayaa in dad badan shaqo abuur u noqoto ayuu yiri Muusa Biixi.
Mar wax laga weydiiyay arrinta goaan ay labada aqal ee Soomaaliya ka qaateeen shirkadda DP World ee imaaraatka laga leeyahay waxaa uu ku tilmaamay wax lagu qoslo waxaana uu intaa ku daray in goaankaas iyaga waxba ka qeyseyn.
Muuse Biixi waxaa uu mar kale ku adkaystay in shirkaddaas ay ka sii shaqeyn doonto degaanadda Soomaaliland.
Wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliland Sacad Cali Shire oo wax laga weydiyay tirada ciidamada loo tababaro waa uu diiday inuu faafaahin k bixiyo tirada ciidamada Soomaaliland loo tababari doono.
Maalada Berbera oo xeebaha Yemen u jirta qiyastii 190 mile waxaa saldhig weyn oo ciidan ka sameysanaya dawlada Imaraatka Carabta oo ay dalka Yemena ciidamo ka joogaan.