Uncategorized

Imaaraadka”Ma faragelin Madaxbanaanida iyo Midnimada Soomaaliya”.

Muqdisho-KNN-Wasiiru Dowladaha Arimaha Dibadda ee Dowladda isu tagga Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qar-qaash oo wareysi siiyay Idaacadda BBC laanta afka Soomaaliga ayaa ka hadlay Khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta waxa uuna dhaliilay Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Imaaraadka Soomaaliya u aqoonsan yahay dal madaxbanaan oo mid ah shakina ku jirin jiritaanka iyo Midnimadooda balse waxa uu dhaliilay siyaasadda Imaaraadka lagula dhaqmay.

“Soomaaliya waa dal madaxbanaan oo mid, heshiiska Ber Bera waxaan la galnay Dowladii tan ka horeysay ee Lama gelin Soomaaliland, Soomaaliland kuma lihin Qunsuliyad, ama Safaarad wakiilana nooma joogaan Howlaha mashaariicda aan ka wadno waxay qayb ka tahay hormarinta Soomaaliya” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Arimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta .

Sidoo kale Anwar Maxamed Qar-qaash Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa dhaliilay qaabkii loola dhaqmay Diyaaradii dhawaan lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho taas oo laga lahaa Dalka isu tagga Imaaraadka.

“Dal muddo 15 sano ilaa 20 sano Saaxiib kula ahaa ku caawinayay maahan in khilaaf yar oo yimid kula dhaqanto sida Cadowgaaga oo kale , in la qal qal geliyo Saraakiil tababaray Ciidamo Soomaali ah iyo in lala wareego lacag ugu talagalnay in dadkaaga aan ku caawaino”ayuu mar kale yiri Anwar Maxamed.
Dhinaca kale Anwar Maxamed Qar-qaasha Wasiiru Dowladaha Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in kaalin ay ka qaateen dhex dhexaadinta Soomaaliya iyo Soomaaliland dhowr jeerna ay shirar ugu qabteen Magaalooyinka waa weyn dalkaasi waxa ay raadinayaan ay tahay Midnimada iyo Madaxbanaanida Soomaaliya.
Sida ay Dowladda Soomaaliya u wado wadahadalka hada Socda ayuu dhaliilay Wasiirka.

“In qol mugdi ah lagu xaliyo wixii dhacay oo aan ka fiirsasho lahayn waxaan u arkaa in aysan waxbo ku hagaagayn” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Imaaraadka Carabta.
Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mudooyinkaan waxaa ka taagnaa khilaaf Culus kaas oo saameeyay gaar gaar badan oo ay Imaaraadka ka wadeen Soomaaliya, sidoo kale Imaaraadka ayaa lagu eedeeyay faragelin toos ah ku sameeyay Dowladda soo koreysa ee Soomaaliya.