Somali News

Imtixaanka dowladda oo maanta ka bilaabanaya inta badan gobolada dalka

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta sirasmi ah u bilaabanaya Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka,kaasi oo ay qaadayso dowladda Soomaaliya, 31,500 Kun iyo shanboqol oo Arday ayaa u fariisinaya Imtixaankaasi,taasi oo ah tiradii ay horey u shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka ayaa siweyn loo adkeeyey, iyadoo loo xirsaaray ciidamo Booliis ah, si ay ula socdaan habsami u socodka imtixaankani shahaadiga ah.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed(Jaabir) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu u dhacayo imtixaankaasi, isagoona fariin u diray ardayda,waalidiinta iyo laamaha ammaanka.

“Goobaha lagu qabanayo imtixaankaasi ayaa kala ah 71,goobood magalaada Muqdisho ah iyo 34 goobood oo ah dowlad goboleedyada,waxaa muhiim ah in sanadkan ahmiyad gaar ah inoo lahaa in ardayda baahiyaha gaarka ah qaba ay qeyb ka yihiin imtixaanka oo aan u helnay goobo gaar ah,fariinta ugu horeysa ayaa ah in ardayda aysan la imaanin telfoonada,lana ilaaliyo habraacyada,waalidiintuna ay ka taxdiraan caruurtooda,tan kale ciidamada amniga waxaan ku ammaanayna dadaalkoodi,iyo in ay sii xoojiyaan ardayduna ay u fududeeyaan howshooda”. Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS.