Uncategorized

Imtixaankii Dowladda ee Muqdisho ka socday oo maanta Baaqday

Muqdisho-KNN-Imtixaanka Dowladda Faderalka ah ee shalay ka Biloowday dalka ayaa maanta ku baaqanaya Magaaladda Muqdisho, kadib markii xalay uu da’ay roob saacado badan socday.

Wasiirka wax barashadda Soomaaliya C/raxmaan daahir Cusmaan ayaa war uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in maanta oo ah maalintii labaad ee imtixaanka uu baqanayo roobka dartiis.

Roobka xalay da’ay ayaa wadooyinka dhigay kuwo ay biyo yaalaan waxaana adag isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Imtixaanka ayaa Sabtigii shalay ka biloowday magaaldda muqdisho iyo Xarumaha Maamul gobledyadda marka laga reebo mamulka Puntland.

27,600 oo arday ayaa imtixaanka galaya, waxaase horay u baaqday ardaydii baladweeyne ku gali lahaa, daadadka magaalasaas ka jira awgood.